Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka Somaliland, ee la xiriiray khilaafka xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, kuna aaddan midda la soo hormarinayo furista Ururada Siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyada.
“Walaalayaal waxaa caan ku tihiin inaad wada hadashaan, amuurihiinana aad xalisataan, idinka oo keliya.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay muuqaal uu xalay soo duubay.
Madaxweynaha ayaa xusay in dadka reer Somaliland ay caan ku yihiin inay yihiin dad tashada, tusaalena u ah Soomaalida inteeda kale.
“Waxaad ku faantaan, anaguna aan aad idin kula faraxsanahay, kuna faano waxay tahay Soomaalidu inay inta meel farriisato keligeed ay heshiin karto. Tusaale ayaan idin soo qadanaa, amuurahooda iyagaa xalisto, iyagaa keligood meel farriistay, iyagaa heshiiyay, iyagaa ku dhaqmay, iyagaana ku bulaalaa dhahnaa, Soomaalida oo dhana waa ka suurtagal inay sidaa yeellaanaa dhahnaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta faankaa iyo magacaa hore ee aad idinku sababtu u eheydeen, yaanu naga wada halaabin, dhibaatadu idinku idiin gaar noqon mayso, Soomaalida oo dhan ayay gaaraysaa, mid ay xanuun ku gaarto, mid ay magac iyo haybad ku gaartaba. Waxaan idin leenahay oo aan idin xusuusinaynaa waxa aad tihiin ee la idinku yaqaano, waa inaad tihiin dad tashada, meel inta farriista amuurahooda ka tashada, kuna heshiiyo, horeyna u socdo.”
Waxa uu kula dardaarmay “Walaalayaal waxaan aad uga dardaarmaynaa, oo aan aad uga digaynaa ha gaarina meel dibadda la idinka soo fara-geliyo, meel Soomaali kale inay idin timaado aad u baahataan, meel ajnabi inuu idin yimaado aad u baahataan, ha gaarina. Waxa keliya ee aad uga baaqsan kartaan inaad wada farriisataan, wada hadashaan, horeyna aad u socotaan, haddii Alle yiraahdo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi raaciyay “Wax baa idin sameysan, wax fiican baa idin sameysan, deganaanshiyo, nabad, maamul iyo kala dambeynaa haysataan, waa wax aad iyo aad u qiimo badan, oo qiiimaheeduna uu aad u garanayo ninka ay ka maqan yihiin.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com