Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-aad ee Israac oo dhexmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisi doona muddo ku siman 30-Cisho si loo muujiyo bilicda waddadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay dhismaha waddadan mid muhiimad gaar ah u isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin adag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhismaha Waddada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...