Hargeysa (Halqaran.com) – Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar qura ka dhawaajiyay, in uu madaxa ka dhunkaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoona ka baryaayay xalka arrimaha siyaasaddeed ee Somaliland ka taagan.
Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa xusay, in aanu xitaa Aabihii dhalay weligii ka dhunkan madaxa, sida uu yiri.
Wuxuu kaloo sheegay, in madaxwayne Muuse Biixi ay ka soo Hartay Madax adayg, isagoona wacad ku maray inaysan mar dambe Baryi doonin Muuse Biixi.
Sidoo kale, guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xaaladda adag ee iminka ka taagan Somaliland, isagoona ula jeeday jabhadaha gobolka ka dillaacay.
“Doorasho iyo Nabad gelyo ayaynu ku Faani jirnay, Nabadii Faraha ayay ka sii baxaysaa Jabhado ayaa Jira, Sidoo kale doorasho ma muuqato, Muuse Biixi Somaliland wuxuu ka dhigay dukaan uu lahaa oo uu Ka Maqnaa oo uu dib u helay, waxa soconaysa oo dadka Somaliland yeeli doono maaha.” ayuu yiri guddoomiye Feysal Cali Waraabe.
Halka hoose ka daawo Muuqaalka Feysal Cali Waraabe:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
TOP NEWS: Ninkii qaraxa ku xiray gaarigii ZOOBE ku qarxay oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay
DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo goor-dhow ka dhacay Muqdisho
AKHRI: Wasiir Oomaar oo muddo kooban loo qabtay inuu ku horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya
DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BF Somaliya oo maanta Ansixiyay Sharci cusub
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com