Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa soo bandhigtay nin dhalinyaro ah, oo ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Ninkan ayaa waxaa maanta lagu qabtay Degmada Hodan, wax yar uun ka dib markii uu qarax dhejis ahaa ku xiray gaari yaalay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan.
Gaariga oo ku qarxay agagaarka Hotel Safari ayaa waxaa iska leh Sarkaal ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina uu ka badbaaday.
Milkiilaha gaariga iyo dadweyne kale oo arkaayay markii uu ninkaasi qaraxa ku xiraayay gaariga ayaa eryaday, iyadoo buuqii iyo sawaxankoodiina ay ku soo baxayn ciidamada ammaanka, taasoo suurta-gelisay in ninkaasi gacanta lagu soo dhigo.
Hay’adda Nabad Suggida ayaa waxay muuqaalka ninkan ay ku soo bandhigtay barta ay ku leedahay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan ee Twitter.
Waxaa muuqaalkaasi barbar socday qoraal kooban oo NISA ku daabacday Twitter-keeda, kaasoo u qornaa sidatan “Laamaha ammaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, oo ka tirsan qaybta qaraxyada Al-Shabaab, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka Isgoyska Zoobe.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com