Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Geelle: ”Aad baan uga naxay dilkii wuxuushnimada ahaa ee loo geystay Almaas Elman”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu si dareen leh uu uga hadlay toogashadii maalintii Arbacada Almaas Elman Cali loogu gaystay Xerada Xalane ee Magaalad Muqdisho.

Mudane Geelle ayaa sheegay in uu ka naxay toogashada lagu dilay gabadhaasi, oo u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha, isla-markaana horey u soo noqotay Xoghayihii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa uu Almaas Elman ku tilmaamay iftiin u soo baxaayay umadda Soomaaliyeed iyo qarankooduba, iyadoo laheyd buu yiri mustaqbal wanaagsan, isla-markaana uu aad uga naxay dilkeeda.

Wuxuuna si kulul u cambaareeyay dilka wuxuushnimada ah ee gabadhaasi loo gaystay, isagoona dhanka kale geerideeda uga tacsiyadeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu hadalkan ku sheegay dhambaal tacsi ahaa oo uu soo gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...