Monday, May 18, 2026
27.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee RW Kheyre maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Marka ee xarunta G/Sh/Hoose

Marka (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mr. Xasan Cali Kheyre ayaa Sabtidii maanta gaaray magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana magaalada Marka si heer sare ah ugu soo dhaweeyay RW Kheyre iyo wafdigiisa, madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale.

Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qayb ka ah deegaannada ay dowladda federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Mr. Khayre oo Marka ku yimid lugtii ugu dambeysay ee socdaalka shaqo ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo.


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...