Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: Sida Madaxweyne Saciid Deni iyo wafdigiisa galabta loogu soo dhaweeyay degmada Dangoroyo

Nugaal (Halaqaran.coom) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Saciid Deni iyio wafdiga uu hoggaaminayo waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...