Friday, August 28, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ciidamada XDS oo la wareegay degmada Matabaan & Wararkii ugu dambeeyay

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

La wareegitaanka Degmada Matabaan ee Ciidamada Xoogga dalka waxa ay ka dambeysay, kadib markii Ciidamada Ahlu Sunna ay is hortaageen wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo doonaayay inuu galo Magaaladaasi.

Dagaal kooban oo ka dhacay Degmada Matabaan kadib Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Matabaan.

Ciidamadii Ahlu Sunna ayaa u baxay Banaanka Magaalada, waxaana wararka ay sheegayaan inay halkaasi ka wadaan Ciidan aruursi.

Ugu dambeyn, Xaaladda Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa hadda u muuqata mid degan, waxaana suuragal ah in xilli walba uu dagaal halkaasi ka dhaco, maadaama Ahlu Sunna ay wadaan Ciidan aruursi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...