Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Xasan Cali Kheyre oo maanta xariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee Baraawe

Baraawe (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo socdaal shaqo kusoo gaaray caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada oo si heer sare ah loo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhammeystirka dhismaha garoonka ay astaan u tahay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska Soomaaliya, kaabayaasheeda dhaqaale iyo isku xirka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka iyo dunida inteeda kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay xarig jarka iyo dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee deegaannada dowlad gobaleedka koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in dhammmaystirka gegida Baraawe ay noqoneyso guul wayn oo sare u qaadeysa dhaqaalaha dalka, fursadna u siineysa dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed inay adeegyada aadka loogu baahan yahay gaarsiiso guud ahaan bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa munaasabadda daah furka garoonka ka sheegay in dowladdu ay sii wadeyso mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo ayaa ballan qaaday in waddada isku xirta Garoonka iyo magaalada Baraawe ay dowladda federaalka dhiseyso, si ay qayb uga noqoto horumarka guud ee caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee la dhammeystiray oo leh waddo ay diyaaraddu ku oroddo oo dhererkeedu yahay 2km iyo dhisme loogu talagalay rakaabka, ayaa si wayn gacan uga gaysanaya horumarinta amniga, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha. Garoonka ayaa magaalada Baraawe ku xiraya suuqyada dibadda, taas oo dadka deegaanka fursad u siineysa in khayraadkooda badeed ee hodanka ah ugu suuq gaysan karaan qaybaha kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa November ee sannadkii 2017 waxuu dhagax dhigay Mashruuca dhismaha garoonka diyaaraha Baraawe oo ay ku baxday 4.3 milyan oo doollar ayna iska kaashadeen midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...