Xeraale (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaanno labada gole ka tirsan iyo qayb kamid ah bulshadii colaadaha dartood uga barakacay Xeraale ee ku noolaa deegaanka Huurshe, Bulshada Magaalada Xeraale ayaana si heer sare ah usoo dhaweeyay wafdiga uu ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ee qaybta ay ka yihiin eheladadoodii ay colaadda isku waayeen.
Bulshada ay dagaalladu kala geeyeen ee dib u midoobay Jimicihii maanta ayaa farxad iyo dabbaal degyo waaweyn ka dhigay Xeraale, waxa ayna si wadajir ah ugu ballan qaadeen Ra’iisul Wasaaraha in nabad ay ku wada noolaanayaan oo ay meel uga soo wada jeesanayaan ciddii rabshado iyo colaad dambe hurineysa.
→DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- WAR DEG DEG: Ciidamada Somaliland oo la wareegay xarunta telefeshinka Horyaal ee Hargeysa, kadib markii uu baahiyay…
- DAWO MUUQAAL: Jabuuti oo si Diblomaasiyadaysan ugu sheegtay Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ mawqifkeeda Midnimada Somaliya & BIIXI oo sheegay in…
- AKHRI: Taariikhda madaxweynihii hore ee Zimbabwe Roberta Mugabe iyo 5 arrimood oo ku saabsan
- WAR XASAASI: ”ITOOBIYA ma dhex-dhexaadineyso DF Soomaaliya iyo Jubbaland, Axmed Madoobe waa nin galay dambiyo badan”! waxaa yiri..
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhinacyada heshiiska saxiixay kula dardaarmay in ay ku fara adeygaan nabadda oo adkeeyaan dhaqan gelinta qodobada heshiiska, ayaa faray dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.
Sidookale, Khayre ayaa hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qayb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com