Riyaadh (Halqaran.com) – Dowladda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo ahaa saaxiibo iyo xulufo aan kala harin, ayaa hadda u muquda inay sii kala tagayaan.
Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cabdulcaziz ayaa dhowaan qaaday tallaabo aan caadi isaga oo sheegay inuu aad ugu carreysan Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow.
Salman ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu dhowaan la yeeshay madaxweynaha dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero Abd-Rabbu Mansour Hadi, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters.
Xudunta xiisadda labada waddan ayaa ah dagaalka Yemen, halkaas oo Imaaraadka uu taageerayo koox gooni u goosad ah oo kasoo horjeedda dowladda dalkaas ee Sacuudiga uu taageero.
→DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- WAR DEG DEG: Ciidamada Somaliland oo la wareegay xarunta telefeshinka Horyaal ee Hargeysa, kadib markii uu baahiyay…
- DAWO MUUQAAL: Jabuuti oo si Diblomaasiyadaysan ugu sheegtay Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ mawqifkeeda Midnimada Somaliya & BIIXI oo sheegay in…
- AKHRI: Taariikhda madaxweynihii hore ee Zimbabwe Roberta Mugabe iyo 5 arrimood oo ku saabsan
- WAR XASAASI: ”ITOOBIYA ma dhex-dhexaadineyso DF Soomaaliya iyo Jubbaland, Axmed Madoobe waa nin galay dambiyo badan”! waxaa yiri..
Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Sacuudiga, Salman Al-Ansari ayaa weerar ku qaaday Imaaraadka, isaga oo sheegay inay dhagrayaan dalkiisa Sacuudiga, islamarkaana awooddooda ku ballaarinayaan gobolka.
Waxa uu ficillada Imaaraadka ee Yemen ku qeexay qiyaano qaran,
Hadallada Al-Ansari ayaa imanaya ayada oo Sacuudiga ay dhowaan ciidamo u direen magaalada Shabwah, halkaasi oo ay iska-horimaadyo ku dhex mareen ciidamada dowladda ee Sacuudiga uu taageero iyo maleeshiyada koonfureed ee gooni u goosadka ah ee uu taageero Imaaraadka Carabta.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com






