WAR XASAASI: ”ITOOBIYA ma dhex-dhexaadineyso DF Soomaaliya iyo Jubbaland, Axmed Madoobe waa nin galay dambiyo badan”! waxaa yiri..

Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa waxaa uu ka hadlay wararka sheegaya in Dowladda Itoobiya ay wado dadaalo la isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Dadka Soomaaliyeed qaarkood ayaa maalmihii la soo dhaafay hadalhayay in Dowladda Itoobiya ay bilowday dadaalo ay isugu keeneyso Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe uu hogaamiyo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa uu si adag u beeniyay in Dowladda Itoobiya ay dhexdhexaadineyso Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Jubbaland, oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Mudane Jeesow oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu yahay nin galay dembiyo kala duwan, isla-markaana aanay Dowladda Federaalka doonayn inay la hadasho.

DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xildhibaanka ayaa waxa uu intaasi ku daray, in Dowladda Federaalka ay ka doonayan inay cadaaladda horkeento Axmed Maxamed Islaam, kaasoo sida uu sheegay si sharci-darro ah xilka ugu soo laabtay. Axmed Madoobe ayaa 22-kii bishii hore ee August markale loo doortay inuu hogaamiyo Maamulka Jubbaland.

Geesta kale Xildhibaan Jeesow oo xubin ka ah Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan olole ka dhan ah Ciidanka Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Amisom, ka dib markii uu sheegay in sifo aan sharci ahayn ay dalka ku jooggan.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Jeesow ayaa waxaa uu imaanayaa, xilli Sabtidii la soo dhaafay ay Saraakiisha Booliska Soomaaliya Garoonka Aadan Cadde ku xireen Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com