Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee madaxweynaha Puntland ‘DENI’ loogu soo dhaweeyay Kismaayo?

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Khamiistii maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Deni iyo wafdigiisa oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa.

Axmed Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshiyahooda iyo ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Jubaland iyo Shacabkeeda uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Halka hoose ka daawo soo dhaweynta Madaxweyne Deni ee Kismaayo:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...