Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii maanta ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Xaafadda caymiska ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM halkaasi Qarax lagula eegtay.

Qaraxan oo haaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaadiid AMISOM oo halkaasi maraayay, waxaana qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan.

Goobjooge ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay in Ciidamada la qarxiyay ay u socdeen dhanka Suuqa Xoolaha, islamarkaana ay marayeen meel ku dhaw labaajada Mahad Alle ee Degmadaasi Yaaqshiid.

Laba ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo uu ka soo gaaray Qaraxa, lama oga Ciidamada Amisom waxa soo gaaray, balse xabado argagax galiyay Bulshada ayeey marqura fureen Ciidankaasi.

Qaraxa wuxuu ahaay miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada AMISOM waxyeelo ay ka soo gaartay.

Si kastaba, ciidamada AMISOM ayaa wadadaasi caymiska waxa ay ku maraan xaalad feejignaan leh, maadaama Shabaab halkaasi ay galiyaan Miinooyin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...