Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay taliyeyaal cusub (Akhri magacyadooda)

Madaxweynaha JF Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...