Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo ka socota Kismaayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ciidanka Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Mas’uuliyiin ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu waddo in uu dhaco 11-ka bishan October oo ku beegan Jimcaha soo socota.

Waxaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo marti sharaf kale.

Si kastaba, 23-kii bishii hore ayay u baaqatay Xafladda sababo la xiriira dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraado ku soo rogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...