Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Kulankii Duqa Muqdisho iyo hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, maxaa ka soo baxay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish, ayaa xalay wuxuu Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku sugan.

Kulanka oo casuumaadiisa uu fidiyay Duqa Muqdisho ayaa waxaa soo aqbalay labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyadoo madaxdaan xalay ay is xaalwareysteen.

Nuxurka kulanka ayaa wuxuu ahaay wada shaqeyn dhexmarta Gobolka Banaadir iyo Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, maadaama ay wadaagaan xuduudo labada Maamul iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa ka codsaday labada Madaxweyne inay kala shaqeeyaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidii Maamulka cusub uu u sameyn lahaay dar dar cusub oo ku aadan dhanka ammaanka.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa u balan qaaday duqa Muqdisho inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Maamuladooda, islamarkaana ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii la magacaabay wuxuu kulamo kala duwan la qaadanaayay madaxda si uu uga helo wada shaqeyn ku aadan qorshaha suggida ammaanka Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...