Baladweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas lagu dilay magaalada, kaddib markii uu muran dhexmaray iyada iyo nin ka mid ah dadka deegaanka, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Halqaran.com.
Marxuumad Xaliimo Ilyaas oo ka mid ahayd ganacsatada qaadka ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa dilkeeda loo adeegsaday toorey, wax yar uun ka dib markii ay ka hortimid in ninkaasi uu qaad ka qaato.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in gacan ku dhiiglaha uu tooreyda haweeneydaasi kaga dhuftay dhuunta, ayna u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dhuunta. Dhacdadan ayaa dhacday gelinkii dambe ee Talaadadii shalay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dambiilaha uu ka cararay goobtaasi, balse ay ku baxeen Ciidamada Booliska oo ka ag-dhawaa halkaasi, isla-markaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.
Saxafiyiinta ka hawlgala Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne ayaa soo sheegaya in dhagarqabaha iminka lagu hayo mid ka mid ah xarumaha laamaha amnigu ku leeyihiin magaaladaasi.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee magaaladaasi ku sugan ayaan ka hadlin dilka foosha xun ee loo gaystay Xaliimo Ilyaas.
Dilka haweeneydan ayaa waxaa laga hadalhaya Magaalada Baladweyne. Dadka reer Baledweyne ayaa ku sheegaya in magaalada ay ku cusub tahay in haweenka qaadka ka ganacsada lagu dhibaateeyo toorey.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com