ARAG SAWIRKA: Madaxweyne Trump oo aqoonsaday Safiirka cusub ee Somaliya ee dalka Mareykanka + Taariikh kooban

Bixid, Madaxweyne Donald Trump iyo Danjiraha cusub Soomaaliya ee Mareykanka Mudane Ali Shariif Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Somaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka cusub ee Somaliya u magacowday dalka Mareykanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faaiideysan karaan.

-Dhammaad-

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com