Kismaayo (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in hawlgal laga sameeyay tuulooyinka hoos-tagga Deegaanka Cabdalla Biroole lagu dilay Saraakiil Ururka Al-Shabaab ka tirsanaa.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal ballaaran ka sameeyay tuulooyinka hoos-tagga Deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55m u jira Magaalada Kismaayo.
Khiyaar Cabdi Maxamed, Abaandulaha Guutada 1aad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in hawlgalkan lagu dilay labaatan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, oo Saraakiil ay ku jiraan.
Abaanduulaha ayaa sheegay in Saraakiisha hawlgalka lagu dilay ay ka mid yihiin Madaxii qaraxyada Shabaabka iyo Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Deegaanada Galbeedka kaga toosan Magaalada Kismaayo, kuwaa oo magacyadooda uu u kala sheegay Cadaani iyo Tasmiir.
Abaanduulaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay ku raadjooggeen Saraakiisha Shabaabka ka tirsanaa, ee ay qaarajiyeen, sida uu yiri.
Ugu dambeyn, Khiyaar Cabdi ayaa ugu dambeen sheegay in Daraawiishta Jubbaland ay iminka xaqiijiyeen amniga tuulooyinka hoos yimaada Deegaanka Cabdalla Biroole.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com