Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta tagey magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...