Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xoogan ayaa caawa laga maqlay Galbeedka Magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo xiray gaari uu leeyahay mid ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayuu gaariga ku burburiyay agagaarka Suuqa Buulo Xubey ee Degmada Wadajir, iyadoo aanay jirin cid la sheegay in waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna in muddo ahba ay hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee xaafadda Buulo Xubey.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in gaarigaasi uu leeyahay nin ganacsade ah, inkastoo laamaha ammaanka aanay wax faah faahin ka bixin waxa uu ganacsadahaasi yahay, balse waxay wararku sheegayan in ganacsaduhu ka badbaaday qaraxaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan qaraxyada lagu soo xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay, iyadoo markaasi lagu beegsanayo shakhsiyaadka iska leh.
Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dagaalkooda qayb ka ah qaraxyada ay ka gaysanayan dhulka ay dowladda maamusho.
Dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay dhacayan, xilli Dowladda Soomaaliya ay juhdi xoogan ku bixinayso, sidii ay salka dhulka ugu dhigi laheyd amniga Caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com