Saturday, May 2, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay laba nin oo qarax ku aasayay Waddada

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Hawlgal gaar ah oo Sabtidii maanta ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha hoose, ayey waxay ku soo qabteen Laba nin oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, xilli ay miino ku aasayeen waddada.

Raggaan la qabtay ayaa waxaa ku socda baaris ku aadan fal dambiyeedka loo soo qabtay, taas oo ciidanka ka caawinaysa inay ogaadaan macluumaadka Al-Shabaab ay maleegayso.

Saraakiisha xoogga dalka ee aagaasi ku sugan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada lagu beegsanayo maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, si meesha looga saaro ficillada guracan ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaataynayaan.

Ugu dambeyn, tan iyo markii ciidanka dawladdu la wareegay deegaannada Sabiid iyo caanoole horraantii sanadkii 2019-ka, waxaa meesha ka baxay qaraxyadii ay maleeshiyadu ku soo farsamayn jirtay gobolka Shabeelaha hoose ee gaadiidka lagu soo galin jiray magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...