Thursday, June 4, 2026
26.8 C
Mogadishu

Ciidanka Milateriga Somaliya iyo kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay J/Hoose

J/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybga 43aad oo ay wehliyaan ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Taabta, Cabdalla Biroole iyo Kubilow ee gobolkaasi.

Saraakiisha hogaaminayay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid looga saarayay deegaannada ay gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay guulo ka gaareen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ee Aaga deegaanka Kulbiyow ayaa sheegay inay weerareen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku kala yaalla duleedyada deegaannada Kulbiyow iyo Cabda-biroole, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab waxaa uu ka dhacay deegaanka Cabadalla-Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana Saraakiisha Ciidamada Jubaland ay sheegeen inay la wareegeen Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku qabsadeen saanad Ciidan.

Ugu dambeyn, deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ku leeyihiin halkaasi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay iska difaacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...