Ciidanka Milateriga Somaliya iyo kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay J/Hoose

J/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybga 43aad oo ay wehliyaan ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Taabta, Cabdalla Biroole iyo Kubilow ee gobolkaasi.

Saraakiisha hogaaminayay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid looga saarayay deegaannada ay gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay guulo ka gaareen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ee Aaga deegaanka Kulbiyow ayaa sheegay inay weerareen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku kala yaalla duleedyada deegaannada Kulbiyow iyo Cabda-biroole, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab waxaa uu ka dhacay deegaanka Cabadalla-Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana Saraakiisha Ciidamada Jubaland ay sheegeen inay la wareegeen Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku qabsadeen saanad Ciidan.

Ugu dambeyn, deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ku leeyihiin halkaasi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay iska difaacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com