Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Hirshabelle iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qatar Ee Soomaaliya Ambassador Xasan Bin Xamza Asad Maxamed.

Labada mas’uul ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta Deegaannada Hirshabelle, iyo Dar-dargalinta mashruuca dhismaha waddada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso dowladda Qatar.

Amb. Xasan Bin Xamze Asad Maxamed ayaa Madaxweyne Waare Faah-Faahin ka siiyay fulinta dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad laga Leeyahay dalka Turkiga.

Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dar-dargalinta Mashaariicdaas.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda Qadar kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay Mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo Kan Muqdisho iyo Jowhar.

Ugu dambeyn, inta uu socday kulanka ayaa sidoo kale waxa ay kawad hadleen, fursadaha maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic Horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan fursadaha maalgasho ee Hirshabelle, maadaama Hirshabelle ay tahay dhul qani ah oo uu eebe ku maneystay Kheyraadka dhinac kasta ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...