Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

AKHRISO: DF Somaliya oo shuruudo ku xirtay dadka soo galaya dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa shuruudo kusoo rogtay dadka soo galay dalka ee ka imanaya dibedda, kadib markii dowladda ay shaacisay in dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa 30-kii July sheegay in in dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo 3-da bisha August oo ku beegan maalinta berri oo isniin ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda socdaalka ayey ku sheegtay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19 oo laga waayey.

“Socdaale kasta oo dalka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu haysto shahaadada caddeyneysa in uusan qabin caabuqa COVID-19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood ka hor safarka (COVID-19 negative Certificate), sida ay fareyso siyaasadda ka hortagga Caabuqa Karoonaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ay hay’adda soo dhigtay barteeda facebook.

Si kastaba, go’aankan ayaan saameyneyn oo kaliya dadka dalka kasoo galaya dhanka hawada, balse sidoo kale wuxuu saameynaya dadka kasoo galaya dhanka dhulka iyo badda.

Halka hoose ka akhriso Qoraalka Hay’adda Socdaalka:


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...