Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Ciidanka Kumaandooska Somaliya oo qabtay gaari walxaha qarxa lagu soo raray +(SAWIRRO)

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku soo dhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku soo wajahnaa Caasimadda Muqdisho.

Ciidamada Danab ayaa gaarigan oo noociisu uu SURF ahaa ku qabtay deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo ku yaallaa dhinaca Xeebta Badweynta Hindiya.

Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa xaqiijiyay in gaariga la qabtay lagu soo raray walxaha qarxa.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo raggii waday gaarigaasi, kuwaa oo ujeedkoodu uu ahaa inay weerar kaga fuliyan gudaha Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in soo qabahada gaarigaasi ay ka dambeysay, ka gadaal markii ay helayn xogtiisa, waxa uu intaa ku daray in qaraxii saarnaa la kala fur furay.

“Waxa aan helnay xogta gaarigan waxyaalaha qaraxa lagu soo buuxiyay, waxaana ay ciidamadu kala furfureen waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi saarnaa”, Ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik.

Si kastaba, tallaabada lagu soo qabtay gaarigan waxay ku soo aadaysaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Shabaabku ka gaysanayaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...