Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Daawo Video: DF Somaliya oo soo bandhigtay Natiijada baaritaanka dhacdadii Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii argagaxiso ee 10-kii August ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay argagaxisada gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan.

Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto.

Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.

Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sii-haya Wasiirka Cadaaladda:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...