J/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si wadajir ah waxaa ay u fuliyeen howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalkan waxaa ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan ayaa waxa ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga, sidoo kalena looga hortagayay weerarada Al-Shabaab.
Sidoo kale, saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna la wareegeen deegaanno ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaannada Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada dowladda ay weli howlgalka wadaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





