Nairobi (Halqaran.com) – Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta ka dooday khilaafka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal.
Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeeratay danjiraheeda u fadhiya magaalada Nairobi ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblumaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka Kenya ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ay jawaab wanagsan siisay Dowladda Soomaaliya, kadib markii ay qaadatay go’aankii ay Soomaaliya uga saartay Safiirkii Kenya, sidoo kale dalkiisa kusoo celisay Safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Cabdilaahi Bashiir Sheekh oo ah Xildhibaan laga soo doorto Mandheera North aya dhankiisa sheegay in wax lala yaabo tahay in Soomaaliya xilliga doorashada ololaha ka socda Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho, islamarkaana la is dhahayo malaha doorashadu Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kama dhacayso Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho todobaadkaan ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya, isla markaana Nairobi ay tahay meel looga soo duulo Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





