Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Ciidanka DF Somaliya iyo Kuwa Galmudug oo ku raad-jooga maleeshiyaad dil geystay

Mudug (Halqaran.com) – Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan ee maamulka Galmudug oo ay wehliyaan ciidamo kala duwan oo qaabilsan amniga guud ee deegaannada Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Masuuliyiinta iyo ciidamadaan ayaa u tegay degamda Saaxo si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxo hubaysan oo weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka fuliyay maalinimadii shalay Degmada Caabudwaaq, kuwaas oo la sheegay inay u baxsadeen dhinaca deegaanka Saaxo

Maamulka Magaalada Saaxo ayaa waxaa la sheegay inay xariir la sameeyeen Masuuliyiinta Galmudug iyo laamaha Amaanka, iyaga oo u sheegay inay soo gaareen Deegaanka Kooxahii weerarka dhimashada lahaa ka gaystay Caabudwaaq.

Ilo dadka deegaanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka deegaanka Saaxo ay u sheegeen masuuliyiinta ka socotay Galmudug in xilligaan suurtagal aheyn in ay qaadaan hawlgalka ay ku baadi goobayaan kooxada dambiilayaasha ahaa oo la sheegay in markaas ay joogeen Gudaha Degmada Saaxo.

Wafdiga gaaray Saaxo oo uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib u heshisiinta Galmudug  Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayel) oo ka koobnaa wasiirro iyo Xildhibaano iyo ciidamada Qaranka Qaybahooda kala duwan ayaa dib uga soo baxay Degmada Saaxo maanta waxayna ku soo laabteen Magaalada Galinsoor oo hadda ay joogaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan inay socaan xariirro kala duwan oo u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug si ay isaga kaashadaan xaslinta Amniga iyo soo qabashada Gacan ku dhiiglayaasha.

Sidoo kale, wararka la helay ayaa sheegaya inay Mas’uuliyiinta Puntland deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug u direen ciidamo qayb ka qaata Hawlgalka, kaasi oo ay sheegeen inay ku gacan siin doonaan Ciidamada Qaranka ee ka hawlgala deegaanada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...