Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ciidamada DF Somaliya oo la wareegay deegaanka ka tirsan Gobolka Gedo

Luuq (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay subixii Axadda maanta ah la wareegtay deegaanka Yurkud oo hoostaga degmada Luuq, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo deegaanka ah iyo maamul ay dhisteen dadka deegaanka.

Degaanka Yurkud ayaa waxaa ay aheyd goob Maamulka Gobolka Gedo uu lacagaha uga qaadi jiray Gaadiidka ka baxa Magaalada Muqdisho, balse Ciidamo deganka ah ay bedelaan, kuwaas oo hadda degaanka laga wareejiyay.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa deegaanka Yurkud ee degmada Luuq ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidamada Millateriga iyo Booliska, iyaga oo halkaasi u tegay xalinta shaqaaqo Ciidan oo halkaasi ka taagneyd.

Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa inta badan waxaa ku sugan ciidamo ay geysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana horay meesha looga saaray ciidamo ka amar qaadan jiray Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...