Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Fanaannadii weyneed Khadra Daahir Cige oo Caawa ku geeriyootay Hargeysa

Hargeysa (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee Fanaannadii weyneed Khadra Daahir Cige ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa, kaddib xanuun maalmahan hayay.

Maxamed Xasan Baroow Maareeye ku Xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyi Galinta ayaa Xaqiijiyay Geerida Khadra Daahir Cige oo Caawa ku Geeriyootay Hargaysa, isagoo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariistee Khadra Daahir Cige.

Marxuum Khadra Daahir ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatay waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda loogu jecelyahay marka Iskuulaadka la xirayo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAAHI RAAJICUUN.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...