Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in doorashada Soomaaliya uu waqtigeeda ku qabto, isla markaana dalka uusan gelin dagaallo sokeeye.
Mar uu Khudbad ka jeediyay, Mudane Cali Mahdi Maxamed, Shirka Beelaha Mudullood ee Maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Madaxweynaha xilka haya ee Farmaajo uu dadaalay, waxna qabtay waxna u harsan yihiin, hayeeshee lama huraan ay tahay doorashada oo waqtigeda ku dhacda.
“Waxaan leeyahay Cabdullaahiyow waqti badan oo wax la qaban karay waan joogtay oo Magac iyo Hantiba aad kasban kartay, haddii uu xil waxtaraayo waa inaad fulisaa sida Dastuurka ku qoran oo doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, mana jirto cid Soomaali ah oo yeeleysa in doorashada dib loo dhigo‘‘ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed.

Cali Mahdi, ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dowlad Caddaalad ah, haddii la waayanaya wax walba ay sababi karto, sidoo kalena loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay warka caddeyso.
Inta badan Siyaasiyiinta Caanka ah ee Maanta ka qeyb-galay Shirka Beelaha Mudullood ayaa waxaa ay u soo jeediyeen Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doorashada waqtigeeda ku qabto, kana aqbaleyn muddo kororsi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





