Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Golaha shacabka oo Ansixiyay dib u eegista ku noqoshada Miisaaniyadda 2020-ka

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulanka Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,waxaana ay ugu horeyn mudanayaasha golaha sii amba qaadeen ka doodista dib u-eegista miisaaniyadda doowladda ee sanadkaan 2020-ka ,iyadoo ay kulanka joogeen masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo uu sii hayaha wasiir ka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ugu horeeyo.

Su’aalaha inta badan xildhibaanadda ay madaxda wasaaradda maaliyadda weydiinayeen waxaa ay u badnaayeen maareynta dakhliga ku baxa mashaariicda dalka iyo sida loo maamulo iyo sidoo kale arrinta ugu weyn oo ay aheyd fatahaadda wabiga shabeelle uu geystay meelo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo uu xaalkeedu meel xun marayo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriydda Mudane Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in golaha looga baahanyahay in muhiimad gaar ah ay siiyaan shuruucda dalka muhiimka u ah gaar ahaan kuwa ay baahidooda taagantahay.

Mudanayaasha golaha oo cod u qaaday ku noqoshada ama dib u-eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka ayaa waxaa codka haa ku ogolaaday 143 xildhibaan sida uu natiijada ku dhawaaqay shir guddoonka kulanka.

Ugu dambeyn, xildhibaanada golaha Shacabka ayaa sidoo kale maanta waxa loo qeybiyaywax ka bedelka sharci LR.75 qodobkiisa 10-aad ee mudda xileedka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...