Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir ayaa ku eedeeyay Taliska Nabad suggida Soomaaliya inay fududeeyeen wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shalay galab rag Shabaab oo maxaabiisa ay ka dhex dagaalameen.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe uu ahaa mid lagu fakinayay Xubno Al-shabaab ah Waxa uuna ku eedeeyay hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay qorshaha dagaalka iyo hubka la galiyay xabsiga dhexe inay tahay arrin laga shaqeeyay oo dano gaar ah laga lahaa sida in Maxaabiis laga fakiyo Xabsiga dhexe ee Xamar.
“Xalay Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabad Sugidda ka dambeyso madaama ay ku milanyihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay, ” Ra’iisul wasaaraha soo socda waxyaabaha laga sugayo waxaa ka mid ah in uu xisaabtamo Taliska Fasahaadsan ee Nabad Sugidda ee hoggaan xumada la daala dhacayo, Ra’iisul wasaare la’aanta dalka, waxay keentay in la boobo hantidii iyo jagooyinkii dowladda”
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan cida fududeysay maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar inay helaan hub, kadibna ay ku dagaalamaan oo askarta qaar ay laayaan.
Ugu dambeyn, waxaa shaki badan ku jira cida ka dambeysay wixii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar, balse natiijada Baaritaanka ayaa noqon doona, mid laga aamuso sida horay u dhacday oo kiisas badan masuuliyiin lagu dilay looga aamusay.
Halka hoose ka dhageyso Codka Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





