Muqdisho (Halqaran.com) -Wasiirka Caddaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in la baarayo sida uu hubka ku galay gacanta maxaabiista.
Sii hayaha Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Somaliya ayaa sheegay in si deg deg baaritaan loogu dhaqaaqi doono, shacabka Somaliyedna ay la wadaagi doonaan macluumaadka saxda ah ee Baaritaankaasi ka dhasha.
“Waxaa socda baaritaan la xiriira habkii uu falkaas ku dhacay iyo sidii uu u dhacay, waxaana rajeyneynaa in lasoo gabogabeyn doono baaritaankaas. waxaan kaloo rajeyneynaa in cid walba oo fududeysay in hubkaas uu gacanta u galo nimankaas rabshada kiciyay lafu qaadi doono la horgeyn doono sharciga”.
Wasiirkada Caddaaladda si rasmi ah carrabka uguma uusan dhufanin inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiista gacantooda uu hubka galo, laakiin wuxuu sheegay in la baadhayo arrintaas.
Shaki wayn ayaa ka jira in aan la isku haleyn karin illaalada Xabsiga Xamar, maadaama wararka soo baxaya ay sheegayaan in maxaabiista loo geeyay Bistoolado & Bambooyin dagaalka ay ku bilaabeen, taasi oo suuragelisay in Askarta illaalada xabsiga qaar ay dilaan oo hubkii ay ka qaataan.
Xukmanayaasha Shabaab ee Xabsiga dhexe ku jira ayaa inta badan waxa ay haystaan taleefoonada casriga ah ee Internetka laga isticmaalo, waxa kale oo ay isticmaalaan Numbero ay kala xiriiraan qofkii ay rabaan.
Si Kastaba, Habacsanaantaan oo muddo ka jirtay Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa ugu dambeyn waxa ay keentay in Shabaabkii ku jiray Xabsiga hub loo geeyo, kadibna xabsiga dhexdiisa ay ka dagaalamaan oo Askar ay ku dilaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





