Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland & Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Jabuuti +(SAWIRRO)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka amba baxay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalcayo, isagoo kusii jeeda dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka ganacsiga Punland Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.

Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sii sagootiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Maamulka gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Lama oga ilaa iyo hadda ujeedka rasmiga ah ee safarka Madaxweynaha Puntland uu maanta ugu ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...