Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Booliska Somaliland oo gacanta ku soo dhigay lacag Dollar been ah iyo dadkii sameynayay

Hargeysa (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen lacagta loo yaqaan Dollarka Madow ee Been abuurka ah iyo Qamri badan iyo sidoo kale dad lagu soo qabtay.

Howlgalka lagu soo qabtay lacagta been abuurka ah ayaa Ciidamada Somaliland waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Hargeysa, Burco iyo Gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in sidoo kale dad gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland, Feysal Xiis ayaa sheegay in dadka Dollarka been abuurka ah ay doonayeen in ay dadka dadka bedeshaan lacagta Somaliland laga isticmaalo taas oo bulshada dhibaata ku ah.

Waxaa uu sheegay in falkaasi ay u hayaan Shan rag ah iyo haweeneey, kuwaas oo uu sheegay in dhawaan la horkeeni doono Maxkamadda Magaalada Hargeysa si tallaabo looga qaado.

Waa markii labaad oo sanadkaan gudihiisa ay ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigaan lacago Dollar been abuur ah, kuwaas oo ay Boolisku sheegeen in dad loo maxkamadeeyay dadka kalena loo maxkamadeynayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...