Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Wasiirka Caddaaladda oo ka hadlay dil uu geystay askari Ka tirsan Ilaaladiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Dilkii Askari ka tirsan Ilaaladiisa uu u geystay Agaasime Waaxed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Wasiirka oo shacabka kala hadlay Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray qoyskii, qaraabadii ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaalada in xiligii uu falka geysanayay Askariga ka mid ah Ilaaladiisa uusan la socon, isla markaana isaga oo saaran Askariga Gaariga Wasiirka uu rasaas u furay Marxuum Cilmi, isagoo goobta ku dhintay.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo askari ka tirsan ilaaladiisa, wuxuuna xusay in haatan uu ku xiran yahay Xarunta Baarista Ciidanka Booliska, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Wasiirka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan inay hubka ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, xili Ciidanka ay si bareer ah shacabka ugu dilaan xilliyada qaar gudaha Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...