Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Bannaanbax ay dad ku dhinteen oo maanta markale ka dhacay Laascaanood

Laascaanood (Halqaran.com) – Banaanbax ayaa markale Arbacadii maanta waxaa uu ka dhacay Magaalaad Laascaanood ee carunta gobolka Sool, kaas oo looga soo horjeedo dilalka loo geysto dadka waxgalka u ah Bulshada Magaalada.

Talaadadii shalay ayuu bannaanbaxaan soo billaawday, Ciidamada Booliska Somaliland rasaas ay ku fureen dadka bannaabaxayay shalay waxaa ku geeriyooday ku dhawaad tiro dad shacab ah, halka tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen

Bannaanbaxyada ayaa maanta markale ay ka billaawdeen magaalada Laascaanood, waxaana dadka oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Xukuumadda Somaliland rasaaseeyay ciidamada Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in bannaabaxii maanta ay ku dhimatay garabr yar oo haleeshay rasaasta ay furayeen Ciidamada, iyada oo dadka bannaabaxa dhigayay ay dhagxaan iyo taayaro ku jareen waddooinka.

Sidoo kale, waxaa maanta xirnaa inta badan Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Laascaanood, kadib markii qaar kamid ah Ganacsatada ay qeyb ka noqdeen dadka bannaabaxa dhigayay.

Ugu dambeyn, shacabka Magaalada Laascaanood ayaa cabasho ka ah Xukuumadda Somaliland oo ku guuldareysatay inay gacanta ku soo dhigto dadka dilalka ka geysta magaalada Laascaanood, xilli Somaliland ay horay u masaafurisay dadka ka soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...