Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed (Muxuuse kala hadlay)

Muqdisho  (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Kulanka Guddoomiyaha iyo musharraxiinta ayaa loo balamay in la iskugu soo laaban doono Caawa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...