Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jabuuti ‘Ismaciil Cumar Geelle’ oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Arbacadii maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Intaas kaddib, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu weheliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan-qaaday Madaxda soo-dhaweynta ugu timid ee heer-dowlad goboleed iyo heer Federaal oo ay ka mid ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Kuxigeenkiisa, Wasiirro iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, boqollaal shacab ah ayaa ku sugnaa garoonka Aadan Cadde si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...