Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Balcad: Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo Qarax lagu dilay

Muqdisho (Halqaran.com) – Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhimatay qarax Talaadada maanta ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Balcad waxay 30km u jirtaa Magaalada Muqdisho.

Gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaraxan lagula beegsaday inta u dhaxeyso Deegaanada Gololey iyo Qalimow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxan oo lagu diyaariyay wadada dhinaceeda ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoog leh oo ka soo gaaray gaarigii ay askarta la socdeen.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad shan askari ay ku dhimatay qaraxaasi, dhawr kalana ay ku dhaawacantay. Dhaawacyada ayaa loo qaaday Degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in gaariga uu ka amba baxay Degmada Balcad, isla-markaana uu ku sii jeeday Qalimow, balse uu qaraxu haleelay intii aanu gaarin halkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...