Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Hoos u dhac ku yimid tirada kiisaska Covid-19 ee Soomaoliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, Gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur galbeed 1-qof, iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taasoo caddeyneysa in gobolka Banaadir tirade cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday halka uu kusii fidayo gobolada dalka.

Wasaaradda ayaa xustay in 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday.

Ugu dambeyn, Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711 (kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...