Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii cod loo qaaday.
188 Xildhibaan ayaa oggolaatay in la ansixiyo Xukuumadda, ma jirin cid diiday ama ka aamustay sidaas darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax ah.
Golaha cusub ee wasiirrada ayaa waxaa islamarkiiba goobta ku dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirrada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com