Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan Askari nin hubeysan ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya Askari ka tirsan ciidanka booliska oo dilay nin ku hubeysnaa bastoolad oo qorsheynayay inuu dilo xilli uu ku jiray maqaayad ku taalla Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Karaan.

Wararka ayaa sheegay in ninka la dilka ay la socdeen laba ruux oo kale oo la sheegay inay hubeysnaayeen.

Labada ruux ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Booliska ayaa la sheegay in ay hadda ku daba jiraan raggii la socday ninka la dilay, islamarkaana ay howlgallo ka waddaan Xaafaddaha kala duwan ee Karaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...