Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ay ku dileen 6 ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro Madaxihii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolkaasi.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka war ka soo baxay ayaa lagu xusay, in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdalla (Abuu Ayman).
Wararka ayaa sheegaya, in ninkaan uu qaabilsanaa aruurinta Canshuuraha Ururka Al-Shabaab gobolka Shabeellaha, islamarkaana lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Sidoo kale, Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxay burburiyeen saldhigyo ay la haayeen Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa tilmaamay inay soo saareen Miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen waddooyinka oo ay doonayeen inay la beegsadaan taliska Ciidanka xoogga.
Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka taliska Ciidanka Xoogga ee ah inay dileen mas’uul ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





