27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyay inay mushaarkooda 20% gurmadka Turkiga uga qeyb qaadan doonaan

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Sabtidii maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, ayaa u codeeyay in mushaarka xildhibaanada ee Bishaan 20% looga qeyb qaato gurmadka walaalaha Turkiga ee dhul-gariirka saameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoominayay shirka, ayaa sheegay in golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato gurmadka loo fidinayo walaalaheenna Turkiga dhibaatadii ka soo gaartay dhul-gariirkii ku dhuftay, kaas oo galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 45,000, qof.

Guddoomiye Abshirow, ayaa xubnaha xildhibaannada uga mahadceliyay tallaabada geesinimada leh ee ay qaadaan, taas oo looga jawaabayo dhibaatada dhul-gariirka ka dhalatay ee gaartay shacabka Turkiga.

Maamulka gobolka Banaadir,ayaa ku dhawaaqay in uu lacag dhan $250.000 (Laba boqol iyo Konton Kun oo Doollar) kaga qeyb qaadanayo Gurmadka dhibaatadii ka dhashay dhul-gariirkii ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...