Wednesday, May 20, 2026
30.9 C
Mogadishu

Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyay inay mushaarkooda 20% gurmadka Turkiga uga qeyb qaadan doonaan

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Sabtidii maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, ayaa u codeeyay in mushaarka xildhibaanada ee Bishaan 20% looga qeyb qaato gurmadka walaalaha Turkiga ee dhul-gariirka saameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoominayay shirka, ayaa sheegay in golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato gurmadka loo fidinayo walaalaheenna Turkiga dhibaatadii ka soo gaartay dhul-gariirkii ku dhuftay, kaas oo galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 45,000, qof.

Guddoomiye Abshirow, ayaa xubnaha xildhibaannada uga mahadceliyay tallaabada geesinimada leh ee ay qaadaan, taas oo looga jawaabayo dhibaatada dhul-gariirka ka dhalatay ee gaartay shacabka Turkiga.

Maamulka gobolka Banaadir,ayaa ku dhawaaqay in uu lacag dhan $250.000 (Laba boqol iyo Konton Kun oo Doollar) kaga qeyb qaadanayo Gurmadka dhibaatadii ka dhashay dhul-gariirkii ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...