27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo Khudbad xiiso leh ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika ee Addis Ababa

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay meertada 36-aad ee shirweynaha ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Halka Hoose ka akhriso Khudbadda Madaxweyne oo dhammeystiran.

‘‘Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus.

Dhab ahaantii, ma jirto sharaf ka wayn inuu qof u adeego qarankiisa, xil kasta ha qabto e, aniga, ka Madaxweyne ahaan, waxaan ahay adeege u khidmaynaya shacab ku sifoobay adkaysi, deeqsinnimo iyo hal-abuur balse maanta wajahaya caqabado badan oo is biirsaday.

Sidaas oo ay tahay, waxaan nahay kuwo rejadooda fiican tahay oo rumaysan in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta. Tani waa rejada aan ku seexdo habeen kasta, ku riyoodo xilliga hurdada kuna soo tooso subax allaale.

Waa Madaxdii ka qeybgashay mareegta 36-aad ee Shirweynaha Madaxda Afrika ee Addis Ababa.

Waxaan ku kalsoon ahay in hiigsigani yahay mid aan ka dhabbayn doonno sabab la xiriirta isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee aan ku hoggaaminaynno dalkeenna.

Ka Madaxweyne ahaan, ahdaaftaydu waa kuwo qayaxan: Inaan ka guulaysanno argagixisada caalamiga ah, xoojinno siyaasad loo dhan yahay, kobcinno dhaqaalaha, isla markaasna adeegyada aasaasiga ah gaarsiinno dadkeenna u qalma in loo adeego.

Madaxweynanimadaydu waxay diiradda saari doontaa dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, annagoo ku billaabayna sidii aan nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab annaga oo la kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah.

Waxaan durbaba horumar wax-ku-ool ka sameynnay qorshaheenna cusub ee dhammaystiran ee aan argagixisada Al-Shabaab kula dagaallamayno – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan.

Dadaallada aan ka wadno jihadan waa kuwo sii xoogaysan doonno ilaa sharta argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya, gobolka iyo qaaradda Afrika.

Xoojinta siyaasad loo dhan yahay waa arrin aad muhiim u ah gaar ahaan marka la joogo qaarad kala duwan sida Afrika oo kale. Waxaa Soomaaliya ka go’an inay sii ambaqaaddo wada-hadal iyo dib u heshiisiin iyo sidoo kale dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka.

Waxaan sidoo kale xoojinaynaa dimuqraaddiyadeenna iyo xiriirka aan la leennahay bulshada rayidka si aan u xaqiijinno in cid kastaa ay door dhab ah ah ku yeelato bulshada iyo dowladnimadeeda.

Siyaasad loo dhan yahay waa aasaaska nabadda iyo xasilloonida, waxaana ku kalsoon ahay inay dhiirrigelin doonto horumar dhaqaale iyo horukac qaran oo waari og oo ka dhasha Soomaaliya iyo qaaraddeenna.

Madaxda Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Waxay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfircoon u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirrada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd kuwo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada maanta caalamka ka jira.

Horumarinta xiriirkeenna waxtarka leh ee aan la leennahay Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa mudnaan sare oo ay Soomaaliya leedahay annagoo ku rajo wayn mustaqbal barwaaqo wadaag ah, oo uu hagayo Ajandaheenna 2063.

Halkudheggu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa jiritaanka caqabado nidaami ah oo caalami ah oo ay tahay inaan si wadajir ah u wajahno si aan u xaqiijinno mustaqbalka dadkeenna iyo qarammadeenna.

Waxaa caqabadaha ka mid ah la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 20230 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.

Suurtagal ma aha inaan u fekerno isla markaasna u hawlgalno si keli keli ah xilligan oo adduunku noqday mid isku xiran, iyadoo caqadabaha iyo fursadaha yihiin kuwo ay saameynayaan isbaddallada dhaqaale iyo siyasadeed, kuwaas oo na wada saameynaya dhammaanteen. Wadajir ayaan ku xooggan ahay in ka badan kala tag.

Gunaanadkii, waxaan doonayaa inaan idinkaga mahadceliyo dhammaantiin soo dhowaynta diirran ee aad ii samayseen markii la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya markii labaad. Waxaa iga go’an inaan kala shaqeeyo Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah si aan uga dhigno Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil.

-Dhammaad-

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...